Kenya oo si cad u sheegtay inaysan Somalia u aqoonsanayn dal madax bannaan

0

(Nairobi) 20 Dis 2020 – DF Somalia ayaa ku dhawaaqday inay xiriirkii si rasmi ah ugu jartay dhiggeeda Kenya oo ay ku eedaysay inay faragelin ku hayaan.

DF Somalia ayaa waloow ay amar ku bixisay in ay diblomaasiyiinta Kenya 7 maalmood uga baxaan dalka aan marna soo hadal qaadin Ciidanka Kenya ee Somalia jooga.

Yeelkeede, Kenya lafteeda ayaa umuurtaa sharraxaad ka bixisay iyadoo muujisay inaysan aqoonsanayn in DF Somalia ay tahay hay’adda ka talisa dalka.

Afhayeenka KDF, Kornayl Zipporah Kioko ayaa sheegay in ciidankoodu ay dalka Somalia ku joogaan heshiis ay kula jiraan AMISOM oo TCC la yiraahdo, sidaa darteed, aanay dalka ka saari karin DF Somalia fasaxna aysan uga baahnayn.

Hadalsame Media