DAAWO: ”Ciidamo kasoo goostey malliishiyaadka Kenya diyaarinayso ayaa isa soo dhiibey” – Ciidanka Xoogga ee Beled Xaawo

0

(Beled Xaawo) 20 Dis 2020 – Afhayeen u hadlay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Gobolka Gedo,  Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle), ayaa sheegay in ay isu soo dhiibeen ciidan uu sheegay inay Kenya soo samaysay kuwaasoo ka mid ah ciidan lasoo dhoobey Degmada Mandheera.

Aadan Rufle ayaa sheegay in ay haatan soo gaareen ilaa 45 askari oo ka mid ah malliishiyaadka ay Kenya adeegsanayso, kuwaasoo soo gaarey Degmada Beled Xaawo.

Wuxuu sheegay in ay wanaagsan tahay niyadda ciidanka SNA ee halkaa jooga isla markaana uu kalsooni wanaagsan ku qabo, isagoo sheegay inay ugu dambayn iyagu la wada wareegi doonaan xadka labada dal ee caalamiga ah.

Wuxuu afhayeenku si gaar ah ugu mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Degmada Mandheera oo ka mid ah dhulalka ay haatan maamusho Kenya, balse caadiyan ay Soomaalidu leedahay.

Hadalsame Media