Dalkii 2-aad oo Yurub ah oo iibsadey basaska korontada ku shaqeeya ee Turkiga + Sawirro

0

(Adana) 19 Dis 2020 – Shirkadda gawaarida farsamaysa ee Temsa, oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa kaddib Sweden waxay basas korontada ku shaqeeya u dhoofiyeen dalka Belgium, gaar ahaan nooca MD9 electriCITY.

Waxaa lagu bilaabay 4 bas oo loo dhoofiyey Belgium, halka Abriil, lagu dari doono 22 bas oo dheeraad ah, iyadoo marka uu dhamaado sanadka soo aaddan ee 2021 ay tiradu gaari doonto 40 bas.

Agaasimaha Guud ee Temsa,Tolga Kaan Doğancıoğlu, ayaa sheegay inay ku faani karaan in ay basaskooda iibsadeen dalalka Belgium iyo Sweden oo todobaadyo yar uun kala dambeeya.

Wuxuu sheegay in basaskan oo lagu sanceeyo gobolka koonfureed ee Adana ay sidoo kale saf ug jiraan dalalka Netherlands iyo Luxemburg, isagoo tilmaamay inay basaskoodu leeyihiin muuqaallo casri ah oo anfacaya cimilada, sicirkooda oo macquul ah iyo farsamo ahaan oo ay heer sarreeyaan.

Guud ahaan gawaarida Temsa oo noocyo badan iskugu jira ayaa waxaa laga isticmaalaa 66 dal oo caalamka ah, waxaana ku jira kuwa ciidamada.

Hadalsame Media