”Dayntayda i sii!” – Sucuudiga oo Pakistan ku khasabtay inay deg deg usoo magaan lacag ay ku lahaayeen (Maxaa la isku maagay?)

0

(Islamabad) 19 Dis 2020 – Shiinaha ayaa Pakistan u ballan qaaday lacag dhan USD 1.5 bilyan oo doollar si ay iskaga bixiyaan USD 2 biyan oo ay ku leeyihiin Sucuudiga, sida lagu qoray Express Tribune.

Pakistan ayaa Isniintii iska celisey USD 1 bilyan oo doollar oo ay Sucuudiga kasoo amaahdeen, iyagoo bilyan kale celin doona bisha soo aaddan ee Jannaayo. Hal bilyan oo kale ayay sidoo kale celiyeen bishii Luulyo.

Labada dal ayaa ku heshiiyey in la kordhiyo heshiis ay galeen 2011-ki oo la yiraahdo CSA, kaasoo Pakistan lagu amaahinayo 10 billion oo ah Yuan-ka Shiinaha oo u dhigma USD 1.5 bilyan oo doollar.

Sucuudiga ayaa guud ahaan Pakistan ku lahaa $3 bilyan oo doollar oo ay siiyeen dabayaaqadii 2018-kii, balse markii ay Islamabad ay Sucuudiga ka codsatay in ay Sucuudigu cambaareeyaan meel ka dhacyada ay Ciidanka Hindiya u gaysanayaan dadka Kashmiir, ayay Riyaad xaaladda xumaysey iyadoo dalbatay in lacagteeda qaanta ah deg deg loogu mago.

Pakistan ayaa isku dayday inay xaaladda qaboojiso iyagoo xitaa Riyaad bishii Agoosto u diray Abaanduulka Ciidanka Pakistan, Jeneraal Qamar Javed Bajwa, balse waa lagu gacan sayray.

Hadalsame Media