Muxuu yahay DHAXALKA qura ee uu ka tago siyaasiga Soomaaliga ihi marka uu XILKA ka dego?

0

(Hadalsame) 17 Dis 2020 – Ciyaarta shaxda ama jarta la yiraahdo waxay leedahay xiise. Qofka ciyaaraya wuxuu u fiirsadaa tallaabooyinka uu qaadi karo qofka ja soo horjeeda markaasuu dejiyaa qorshe uu kaga hortago si uu uga guulaysto. Dadka daawanaya waxay ku sheekaystaan labadaas qof farsamooyinka ay isla daba joogaan iyo sida midba u saadaalinayo dhaqdhaqaaqa qofka kale.

Xiisaha ciyaartu wuxuu la bilawdaa oo la dhammaadaa waqtiga ciyaartu socoto. Qofka badiya markuu ka soo kaco meeshuu ku ciyaarayey oo magaalada soo galo kama muuqato guul. Suuqa wax kagama helo guushii qurxoonayd ee waqtiga iyo fekerka uu ku bixiyey. Waxay ahayd guul waqti leh.

Siyaasadda qaar ayaa iska sidaas ah. Go’aamadeedu kama duwana tartan u dhexeeya rag is haya iyo dad daawanaya. Maalinta xukuumaddaasu dhacdo wax ay ku faani karaan kama tagaan.

Go’aamadii ay gaareen waxay la cimri ahaayeen afartii ama shantii sano ee ay jirtey. Haddii muddo ka dib la weydiiyo guushii ugu fiicnayd ee ay gaareen waa inay kursiga ilaashadeen hebelna iska celiyeen.

Waa dhaxal-ma-reeb. Kama duwana qof biyo duulaya ku dhacay oo ku faanay inuu geed qabsaday oo soo dabaashay oo naftiisii soo badbaadiyey. Waxqabad ha weydiin.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media