Jawaabta ay bixisay Kenya oo micne tirtay tillaabadii ay qaadday DF Somalia (Waa maxay?)

0

(Nairobi) 17 Dis 2020 – Somalia ayaa saqdii dhexe ee Talaadadii xiriirkii u jartay Kenya, iyadoo diblomaasiyiinta isla gudboon ee labada dhinac ku amartay inay ku kala baxaan muddo 7 maalmood ah.

Waxaa haddaba la dhowrayey fal-celinta kenya oo horay iyadu u bilowday Danjire cayrinta, balse haatan waxay adeegsatey jawaab ka deggan sidii hore.

Afhayeenka Dowladda Kenyan, Cyrus Oguna, ayaa sheegay in Kenya aanay cayrin doonin diblomaasiyiinta iyo muwaadiniinta Somalia ee ku dhaqan dalkooda, si ay jawaab u siiso DF Somalia.

“Waxaannu wada ognahay in Kenya iyo Somalia ay wax badan oo isu keenaya wadaagaan. Waxaannu leennahay taariikh hore oo na midaynaysa. Waxaan leennahay xiriir dhaqaale iyo mid bulsho oo isku kaaya xiraya,” ayuu yiri Oguna oo shir jaraa’id qabtay.

“Waxaad sidoo kale ogtihiin in Ciidankeenna KDF ay ilaalinayaan amaanka Somalia …. Waxaa sidoo kale jira jira xiriir diblomaasi ah oo u baahan iskaashi daacad ah. I wanaaji, waan ku wanaajin doonaa.” ayuu daba dhigay.

Tillaabadan ayaa ka dhigan in ay Kenya arrinta ku gedinayso DF oo aan markaa helayni saamayntii loo baahnaa, tiiyoo la fahamsan yahay inay xaaladdu salka ku hayso arrimo siyaasadeed marka horeba.

Hadalsame Media