TUUGADII DUUGTA: Tuugo u dhacday gurigii Paolo Rossi xilli gubistiisa lagu maqnaa

0

(Vicenza) 13 Dis 2020 – Koox burcad ah ayaa u dhacday gurigii uu ka geeriyoodey laacibkii Paolo Rossi xilli lagu jirey duugtiisa, waxayna xadeen waxyaabo qaali ah oo ay ku jirto saacaddiisii.

Halyeeygii reer Talyaani ee hantay Koobka Adduunka 22 iyo Ballon d’Or ayaa maydkiisa la gubey kaddib markii munaasabad baroordiiq ah loogu qabtay gegada Stadio Romeo Menti ee Vicenza iyo kaniisadda Duomo ee isla magaaladaasi.

Wakaalladda Ansa ayaa werinaysa in markii ay xaaska Rossi guriga kusoo laabatay ay ogaatey in la jabsaday, waxaana haatan socota booliiska oo raadinaya faro ay ka heleen goobta dembiga.

Wareegga 11-aad ee horyaalka Talyaaniga ee Serie A iyo B ayaa daqiiqad loo aamusayaa Rossi oo Arbacadii xijaabtey isagoo 64-jir ahaa. Kulamadii UEFA ee Khamiistii ayaa sidoo kale lagu maamuusay.

Hadalsame Media