”Xiriir toos ah lama lihin!” – Kenya oo qirtay hal arrin oo muhiimad u yeelaysa Somaliland & xog ay ka bixisay booqashada Biixi + Sawirro

0

(Nairobi) 13 Dis 2020 – Dawladda Kenya ayaa ka hadashay booqashada Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaasoo maanta ka degay magaalada Nairobi iyo ujeedka ay ka leedahay.

Wasaarada Arrimaha Dibedda dalkaasi Kenya ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku muujisay in si heer hoose ah loo soo dhoweeyey Madaxweynaha Somaliland uu soo garoonka ku qaabiley sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo la yiraahdo Ababu Namwamba.

Waxay intaa raaciyeen in Madaxweyne Biixi uu kulan la qaadan doono Madaxweynaha Kenya ee Uhuru Kenyatta oo ay is arkayaan maalinta berri ah ee Isniinta ah iyagoo isla jeex jeexi doona wax ay Kenya ku sheegtay ”dano iyaga iskaga xiran.”

Waxay Kenya qirtay inaanu jirin xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah oo kala dhexeeya Somaliland, yeelkeedem waxay sheegeen inay ka dheregsan yihiin degganaanshaha siyaasadeed iyo muhiimadda dhaqaale ee gobolka, isla markaana ay xiisaynayso ballaarinta fursadaha ganacsi iyo iyo kuwa maalgashi ee guud ahaan gobolka Bariga Afrika.

Waxay kale oo ay Kenya ka dhawaajisay in Somaliland oo ah maamul sheegtay inuu ka go’ay Somalia inteeda kale, uu muhiimad gaar ah u leeyahay gobolka marka ay timaaddo la dagaallanka Al-Shabaab.

Kenya ayaa u muuqata mid iska ilaalinaysa in tillaabadan loo arko mid toos loogu faragelinayo Somalia, iyadoo abaartay dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo amaanka.

Hadalsame Media