Qoraa Swedish ah oo isku xirey carruurta badan ee la dhalayo & dhibaatada kooxaha gaangiska (Maxay qortay?)

0

(Stockholm) 13 Dis 2020 – Weriye ka tirsan warqaadka DN, Lasse Wierup, ayaa buuggeeda “Jannadii Gaangiistarka” kusoo qaadatay moowduucyo si hoose u eegaya hababka dhaqan dhaqaale iyada oo diiradda la saarayo tirada carruurta iyo xaaladaha nololeed. Waxaana si aad ah diiradda loo saaray Soomaalida Sweden, waloow ay dhibaatadani wada camimayso Soomaalida Galbeedka oo idil.

Waxay sheegtay inay wax kasta isku xiran yihiin: marka aad carruur badan leedahay waxaad ku nooshahay xaalad nololeed nugul, kuwaasoo baylah u ah dembiyada iyo gaangiistarka, sida ay qabto.

Waxay tusaale usoo qaadatay xaafadda Friskväderstorget ee Biskopsgården ee Gothenburg, halkaasoo ay sheegtay in 250 wiil oo ay da’doodu ka hooseeyso 15-jir ay ku nool yihiin dhul bedkiisu dhan yahay 250×250 mitiri.

Wierup ayaa marka ku doodaysa in cufnaanta noocan ah ee bedka dhuleed oo lagu daray xaaladda adag ee ay carruurtaasi ku barbaarayaan ay abuurayso jawi ay ku bullaalaan shabakaadka dembiyadu.

”Waxaa ku filan in 10-15 wiil oo lasoo baxa hab-dhaqan sharciga jebinay, si loo abuuro hal koox oo gaangiistar ah.” ayay ku qortay DN.

Waxay sheegtay in dhibaatadu aysan kaliya ahayn tas-hiilaad la’aan ee ay arrintan carruurta badani xal u baahan tahay. Waxay sheegtay inay la xiriirtey Helena Holmberg, oo ah madax qaybeed ka tirsan qaybta Social-ka ugu qaybsan dhallinyarada Rinkeby-Kista. Waxay sheegtay in dhibaatadu aanay kharash la’aan ahayn oo lacago badan loo qoondeeyo barnaamijyo ay ka mid yihiin LVU iyo kuwo kale.

Waxay sheegtay in dhibaatadu ay intaa ka qoto dheer tahay oo ay jiraan guryo badan oo si ciriiri ah lagu deggan yahay, maadaama ay dadku isku deyayaan inay caawiyaan qoysaska iyo macriifadooda, taasoo keenaysa inay 2-3 qoys ku wada noolaadaan hal qayb (flat), natiijada waxbarashada oo liidata ayaa iyaduna jirta.

”Waxay qoyskiiba leeyiiin 4-8 carruur ah xaafadaha Rinkeby iyo Husby. Taasi waxay carruurta waawayn ku adkaynaysaa inay helaan meel u gaar ah, kaddibna dibedda ayay u baxayaan, taasoo si fudud ku gelinaysa gaangiska iyagoo jira 12-13 sano. Waxaa ku filan hamburger loo gado ama jiinisyadii ay ku riyoonayeen, si ay hal baakad oo daroogo ah u gudbiyaan.” ayay tiri Helena Holmberg.

Waxay sheegtay inay jirto dhibaato kale oo ah in waalidiinta Soomaalida ihi ay diidaan kaalmada farsamo ee social-ka oo ay shaki badan ka qabaan. Dhibaato kale waa aabbayaasha iska maqan.

”Ballamada aannu u dhigno qoysaska Soomaalida, inta badan waxaa yimaada hooyooyin kaligood socda.” ayay tiri.

 

La soco qayb 2-aad…

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media