Turkiga oo bilaabay inuu tarxiilo Soomaalida oo iyada lafteedu sabab u ah in tillaabadaa laga qaado sida uu kashifay Giriiggu

0

(Ankara) 13 Dis 2020 – Wararka ka imanaya Turkiga ayaa sheegaya, in Soomaali Tahriib ahayd oo laga qabtay xeebaha Turkiga iyagoo kusii jeeda dalka Giriigga haatan dib qaab musaafuris ah loogu celiyay Somalia.

Dadkan Soomaalida ah ee la tarxiiley ayay tiradoodu gaaraysaa ilaa 5 qofood, waxaana weliba la geliyey liiska dadka ku calaamaysan inaan la siinin fiisaha Turkiga, iyadoo loo jaray waraaqo GURIGAAGA AAD ah.

Weriye Salmaan Jamaal oo ka mid dadka ku nool Turkiga ayaa noo sheegay in ay haatan sidoo kale xiran yihiin 105 kale oo Soomaali ah, kuwaasoo ay iyana dhici karto in laga musaafuriyo Turkiga.

Maxaa u sabab ah arrintan? Turkiga oo ah dal aad uga fikira sumcaddiisa ayaa waxaa arrintan beri dhowayd ku shiday Dowladda Giriigga oo ku eedeeysay inuu fiiseyaal ay qaarkood bilaash yihiin ku keeno Soomaalida, kaddibna ay soo galaan Giriigga, sida uu sheegay Wasiirka Socdaalka dalkaasi, Notis Mitarachi, oo tilmaamay inay isla Soomaalidu xogtan siiyeen.

“Dalka Somalia, waxaan fahansan nahay in maamullada Turkigu, sida Wasaaradda Waxbarashada iyo wasaarado kale, ay dhiirrigelinayaan in loosoo dhoofo Turkey,” ayuu yiri Wasiirka Socdaalka Notis Mitarachi oo shir jaraa’id qabtay.

Wuxuu sheegay in ay isla Soomaalidu uga marqaaati keceen in ay ku yimaadeen fiisayaal ay u ”fududeeyeen” hay’ado kala duwan oo Turkish ah oo ay NGO-yo ku jiraan kuwaasoo xitaa ka kaba lacagta tigidhada, isagoo sheegay in ilaa 300 oo Soomaali ihi ay qaabkan ku yimaadeen, waxaana ku jira ardayda jaamacad iyo isbitaal Muqdisho ku yaalla sida uu yiri.

Wuxuu sheegay inay dadkani si sharci ah kusoo gelayaan Turkiga si ay ugu tahriibaan Yurub, isagoo ku dooday in lagu qaado gawaari waawayn iyadoo la geeyo meelo gaar ah oo magaalada Istanbul ka tirsan, inta ay sugayaan safarkooda galbeedka Turkiga, sida uu ku dooday Wasiirku.

Hadalsame Media