DEG DEG: DF Somalia oo go’aamo cusub kusoo rogtey Kenyaanka imanaya dalka Somalia

0

(Nairobi) 07 Dis 2020 – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Somalia ayaa waxay si rasmi ah usoo rogtey tillaabooyin cusub oo khusayn doona muwaadiniinta Kenyan-ka ah ee u safraya Somalia.

Wixii ka bilaabma 15-ka bishan Diseembar, waxaa qof kasta oo Kenyan ah oo Somalia u safraya looga fadhiyaa inuu soo qaato dal-kugal ama fiise, kaasoo ay kasoo qaadan karaan Safaaradaha Somalia ee caalamka.

Dhanka kale, dadka Kenyan-ka ah ee haysta Baasaboorka Diblomaasiga ah ayaa iyaga laga doonayaa inay rukhsad ka sitaan Wasaarad Dibadeedka DF Somalia.

Nidaamkani ma saameyneyn doono muwaadiniinta Kenyaanka ah ee heysta rukhsadaha degenaashiyaha dalka.

Waa markii ugu horreeysey ee rukhsad noocan ah lagu soo rogo Kenyaanka oo ay kumannaan ka tirsani ka shaqaystaan Somalia, iyadoo ay dadka Soomaalidu dhibaatooyin la kulmaan marka ay Kenya u safrayaan, marka laga reebo kuwa sita baasaboorrada shisheeye.

Hadalsame Media