RW Rooble oo Twitter-ka ka tiray ballanqaad muhim ahaa oo uu ka sameeyey shirka saaka ka furmay Muqdisho & sababta oo la garan la’yahay

0

(Muqdisho) 07 Dis 2020 – RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka qayb galay Kulanka Saaxiibbada Somalia ee Muqdisho ka furmay, kaasoo laga jeedinayo khudbado ku saabsan marxaladihii ugu dambeeyey ee dalka.

RW Rooble ayaa shirkaasi ka sheegay inuu horraanta todobaadka soo aaddan uu u ambabaxayo magaalooyinka Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo Garoowe oo ka kala tirsan Maamullada Galmudug iyo Puntland.

Wuxuu isaga oo aan faahfaahin waxa uu kala hadlayo daba dhigay: ”Marka aan soo laabto waxaannu iskugu yeeri doonnaa madaxda DF Somalia iyo kuwa Maamul-goboleedyada oo Muqdisho ku shiraya.”

Yeelkeede, qoraalkaasi ayaa haatan laga waayey Twitter-ka RW Rooble, waxaana la is waydiinayaan su’aalo badan oo ku saabsan sababta keentay in la saaro.

Ha yeeshee, muddo kaddib markii uu shaacay in qoraalkii la masaxay ayaa markale lagu soo celiyey isaga oo u qoran qaab kale oo naqshad ahaan ka duwan sidii loo qoray midkii hore.

Hadalsame Media