Khaladaadka nidaam ee isaga soo taraya ee Maamul-goboleedyada waxaa eeddeeda iska leh DF Somalia

0

(Hadalsame) 04 Dis 2020 – Dowladnimo xumada ka socota Garowe iyo sifada sharci darada ah ee xilka iyo xasaanadda looga qaaday Xildhibaanada siddeedda (8) xubnood ah. Sicir bararka seetada goostay iyo shilling Soomaaliga, la quursanayo.

Doc-faruurka iyo dibin daabyada Axmed Madoobe ku kacayo. Intaaba waxaa ka daran dowladnimadii Federaalka aheyd ee doorkeedii kusoo ururay diidmo doorasho, dastuur jabin iyo in mustaqbalka dalkaan laga wada hadli karin.

Mohamed Abdullahi Farmaajo, wax kasta oo Mogadishu, Garowe, Baydhawo, Jowhar, Dhuusamareeb iyo Kismaayo ka socda asaga ayaa macalin u ah. Xeer dejin iyo xukuumad isku milan oo cayshow milix ah oo isla xisaabtamin, xeerarka dalkana burburiya asaga ayey ka bilaamatay.

In fidnada sixiddeeda laga bilaabo dhanka DF iyo qaab maamulka MW Farmaajo, kaddibna Deni, Axmed Madoobe, Cumar Finish, Qoor-qoor, Laftagareen iyo Guudlaawe loo soo laabto ayaan qabaa.

Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo xiriirin, xeerin iyo xakameyn dowladnimo shaqadoodu aheyd ayaa isu bedelay xeer jabin xargo goosad ah oo dalkaan meel xille dhigi kara.

Waxaa Qoray: Mahad Geelle

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan

Hadalsame Media