Min in qofka laga dhigayo ”ma dhalays” ilaa in la bedelayo hidde-sidka qofka, aragtiyaha ku hareeraysan tallaalka Covid-19 oo ay culimada saynisku ka cod dhiibteen

0

(London) 03 Dis 2020 – Waxaa la isla dhex marayaa aragti-dhagareedyo kala geddisan oo ku saabsan in tallaalka Covid-19 uu wato haliso badan runtiina laga leeyahay ujeeddooyin ka durugsan dawaynta durayga dilaaga ah ee dunidii fariisiyey sanadkan 2020 oo idil.

Waxaa waxyaabaha la isla dhex marayo ka mid ah in tallaalkan dadka lagu dhufaanayo oo dhalmada lagula dirirayo iyo inuu ku dhex jiro aalad danabeed ili ma aragti ah (microchip) oo loo qaabeeyey inay dib u taxdo hidde-sidka insaanka. Gabar TikTok isticmaasha ayaa sheegtay in qalabka yar ee qofka la gelinayo ay ku qoran tahay ”xayawaanka halla sunto.”

BBC ayaa se haatan qoraysa inay arrintan hor dhigtay ilaa 3 saynisyahan oo madax bannaan, kuwaasoo isku waafaqay in tallaalka coronavirus aanu bedelaynin hidde-sidkeenna (DNA).

Mid ka mid ah tallaallada diyaarka ah waa midka ay haatan ogolaatay Dowladda UK ee ay samaysay Pfizer/BioNTech, taasoo adeegsanaysa inay qofka ku tallaasho fariin sidaha RNA oo laga soo qaaday isla fayruska keena Covid-19.

“In qofka lagu duro RNA waxba kama qaadayso hidde-sidka (DNA) unuggu aadanaha,” ayuu yiri Prof Jeffrey Almond oo ka tirsan Oxford University, wuxuu sheegay in tallaalku uu jirka amar ku siinayo inuu soo saaro barotiin laga helo oogada fayruska coronavirus.

Taasoo markaa keenaysa inuu hannaanka daafaca jirku uu garto fayruskii oo uu deeto soo saaro lid-jireed uu ku burburiyo.

Waxaa aragti-dhagareedyada ka mid ah in tallaalkan ay ku jiraan nudayaalka sambabka uur ku jir lasoo ridey, taasoo uu beeniyey Dr Michael Head, oo wax ka dhiga University of Southampton.

Picture of Bill Gates with a "False" label on it. The text accompanying the image says "It's simple, we manipulate your DNA with a vaccine, implant you with a chip, make society cashless and put all money on the chip. Then you will do exactly was you're told or we turn off your chip and you starve until you decide you're ready to be obedient again."

Waa sawirrada la wadaagayo ka mid ah midka sare ka muuqda oo Bill Gates oo ka mid ah horseedka caalamka (elites) lagu eedeeynayo inuu wax ka ogyahay tallaalkan ”lagu dhalan rogayo” hidde-sidka, si qofka loogu adeegsado sidii la doono. The Bill and Melinda Gates Foundation ayaa BBC u sheegay in warkani yahay “been abuur”.

Waxyaabaha ay ku doodayeen waxaa ka mid ah in tallaalka ku shaqeeya farriin sidaha RNA (mRNA) aan “marnaba horay loo tijaabin ama aan adeegsigiisa la fasixin”, waana run oo hadda kahor lama ogolaanin, balse daraasado badan oo la sameeyey sanadihii yaraa ee dambe oo kumanaan qof ku tijaabiyey ayaa lagu guulaystey, waloow la isku raacsan yahay in aan weli waqti ku filan loo helin in si buuxda loo ogaado waxyeellada (side effects) tallaalkan ee muddada dheer, maadaama loo baahan yahay dhowr marxaladood oo tijaabo ah.

Screenshot of a TikTok video with a "False" label on it. The screenshot shows a woman looking pained with the words **CHIP IMPLANTED** on screen.
Gabar TikTok isticmaasha ayaa sheegtay in qalabka yar ee qofka la gelinayo ay ku qoran tahay ”xayawaanka halla sunto.”

Waxaa aragti-dhagareedyada ka mid ah in tallaalkan ay ku jiraan nudayaalka sambabka uur ku jir lasoo ridey, taasoo uu beeniyey Dr Michael Head, oo wax ka dhiga University of Southampton.

Screenshot from a video titled 'CONFIRMED- aborted Male fetus in Covid 19 vaccine' showing a packet for the AstraZeneca vaccine candidate. We added a "false" label

Heerka soo kabashada

Yeelkeede, qaar badan ayaa ku doodaya in maadaama heerka soo kabashada ee dadka uu cudurkani ku dhoco uu aad u sarreeyo (99.97%) sababta tallaal deg deg ah oo aan la hubin loogu baahan yahay, iyagoo soo jeediyey in qofka oo uu ku dhoco Covid-19 ay ka amaan badan tahay tallaalkan.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media