”In ka badan 700,000 ayaan cunto iibsan karin” – DF Somalia oo meel xanuun badan ku dheggan Kenya & qayladhaan cusub

0

(Nairobi) 03 Dis 2020 – Sii xirnaanshiyaha suuqa Jaadka ee Somalia ayaa jug dhaqaale oo ballaaran u gaystey kumannaan qof oo Kenyan ah, sida uu sheegay Barasaabka Meru, Kiraitu Murungi oo hadlayey kaddib markii uu la kulmay guddi ka kooban 100 qofood.

Kiraitu ayaa intaa raaciyey, in xanibaadda la saaray suuqa qaaliga ah ee Somalia uu burburiyey nolosha 700,000 oo deggan Igembe oo qura, iyo kumannaan kale oo ku xirnaa Jaadka Meru iyo meelo kale.

“Waan fahmi karnaa inay jirto is afgaran waa diblomaasiyadeed, waxaana jira eedo ka imanaya Somalia oo sheegaya inay Kenya faragelinayso arrimaha Somalia, markii aannu dowladeenna arrintan waydiinayna waxay noo sheegeen inay eeddaa la yaabeen, waxaan rajaynaynaa in arrinta loo xalliyo qaab siblomaasiyadaysan oo saaxiibtinnimo ku jirto.” ayuu yiri Kiraitu oo rajeeyey in suuqa Somalia ugu dambayn loo furi doono.

Hoggaamiyeyaasha Meru ayaa 1-dii Nof. la kulmay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gudaha Kenya, Fred Matiang’i, waxayna isla meel dhigeen qorshe 14-maalmood qaadan lahaa, balse waxaa sii qasay muranka soo cusboonaaday ee diblomaasiyadeed.

Barasaab Xigeenka, Titus Ntuchiu, ayaa horay u sheegay inay woxoogaa horumar ah sameeyeen kaddib markii uu arrinta soo farageliyey MW Uhuru Kenyatta, isagoo tilmaamay in hadda ay Meru oo dhami ku nooshahay xaalad murrug maarrug ah oo ay maciishaddu ku xun tahay.

“Qaarkood xitaa ma heli karaan lacago ay cunto ku iibsadaan, waayo dakhliga Jaadku wuxuu taageeri jirey maciiishadda maxalliga ah,” ayuu ku calaacalay Ntuchiu.

Hadalsame Media