Shiinaha oo ku guulaystey dhismaha matoor dayuuradeed oo 16 jeer guuxiisa ka dheereeya (Imisa daqiiqo ayay Maraykanka ku duqayn kartaa?)

0

(Beijing) 02 Dis 2020 – Shiinaha ayaa dhisay matoor dayuuradeed oo 16 jeer guuxiisa ka dheereeya kaasoo haatan tijaabadiisii lagu guulaystey.

Matoorkan oo loogu wanqalay magaca Soramjet, ayaa haddii lagu xiro dayuuradaha rakaabka ah waxay gees ka gees caalamka u kala duuli kartaa wax ka yar 2 saacadood.

Cilmi baarayaal reer Beijing ayaa sheegay in ujeedku uuba intaa ka wayn yahay, waayo waxay sheegeen in matoorkan lagu xirayo dayuurado awood u leh inay galaan hawada sare kaddibna kasoo laabtaan iyagoo ku degi kara garoomada caadiga ah.

Matoorkan oo lagu tijaabiyey hoosada JF-12 oo lagu tijaabiyo walxaha guuxooda ka dheereeya, ayaa waxaa kale oo loo adeegsan karaa dhanka ciidamada, iyadoo ilbiriqsigii jareeysa 12 km, isla markaana Maraykanka ku duqayn karta 14 daqiiqadood oo qura.

Matoorka dayuuraddan ayaa leh dalool soo nuugaya hawada dibedda, kaasoo kaddib geynaya qolka wax lagu gubo, iyadoo ogsijiintii dibedda laga soo nuugey ay holcinayso shidaal haydarojiin iyo Nitrojiin ah oo matoorku wato, kuwaasoo sii daynaya awood kumanaan gigawatt ah muddo ilbiriqsi ka yar, taasoo kala bar ka badan dhamaan awoodda nukliyeer ee ay soo saarto wershadda Daya Bay ee Guangdong, sida uu sheegay Zhao Wei, Maareeye Xigeenka Shaybaarka Dowladda ee Dinaamikada Gaaska Heer-kulkiisu sarreeyo ee Macadka Chinese Academy of Sciences ee Beijing..

Tijaabada oo ka dhacaysa dusmo dabayleed oo dhex maraysa meel dhuun ah oo xiran, ayaa waxay waylaynaysaa sheeyga la tijaabinayo iyadoo heerkulka la gaarsiinayo 8,000 oo Kelvin, ama 7,727 degrees Celsius, sida uu Zhao sheegay waxay taasi ku dhowaad 50% ka kulushahay oogada qorraxda.

Matoorkan ayaa 16 jeer guuxiisa ka dheereeya, iyadoo xawaaraha codka lagu qiyaaso 767 mayl saacaddii, waana lagu guulaystey tijaabada, sida lagu dhigay South China Morning Post oo arrintan qoray.

According to the report, the new engine consists of a single-stage air inlet which directs air into a combustion chamber where it ignited the on-board hydrogen fuel

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media