War cusub oo khuseeynaya dadka doonaya inay ka degaan Garoonka Garoowe (Tillaabo wanaagsan oo la qaaday)

0

(Garoowe) 02 Dis 2020 – Wasiirka Duulista Hawada Puntland, Ilyaas Gebiley, ayaa sharraxaad ka bixiyey diyaaraddii saaka ku dhacday Gegada Diyaaradaha ee Garoowe.

Wasiirka ayaa sheegay in khaladku uu ka yimi duuliyihii dayuurad rakaab ah oo uu nooceedu yahay 737-500 oo laga leeyahay dalka Jabuuti, taasoo ay taayarradu wax ka gaareen kaddib markii uu mid qarxay.

Wasiirka ayaa sheegay in duuliyuhu uu dejinta dayuuradda ka bilaabay meel 300 oo mitir ka baxsan dhabbaha dayuuradda, taasoo keentay inay wax gaaraan taayarrada dayuuradda iyo ugu yaraan hal matoor oo ka mid ah kuwa diyaaradda, isagoo qiray in duuliyuhu uu dedaalay, waloow ay jiitamaysey 1600 oo mitir sida uu yiri.

Dayuuraddan oo ka timid Jabuuti-Hargaysa kaddibna Garoowe isla markaana siddey 34 qof ayaa weli dhex taalla dhabbaha garoonka, taasoo keentay in haatan uu xiran yahay garoonku inta laga saarayo dayuuraddan.

Dhanka kale, Maamulka Garoonka ayaa kaddib dhaleecayn badan waxay dib u howgeliyeen dab-damiskii Garoonka oo saaka markii loo baahday laga war helay inay taayarradu ka maqan yihiin, taasoo ah arrin wanaagsan.

Hadalsame Media