Sida ay Farmaajo & Khayrre u dhabjiyeen dhaxalkii ay isla dhisayeen muddo 4 sanadood ku dhow

0

(Hadalsame) 29 Nof 2020 – MW Max’ed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xilka kusoo baxay 8-dii Febraayo iyada oo ay ku hareereeysan tahay rabitaanka ruuxiga ah ee shacabka Soomaaliyeed oo aad runtii ula dhacsanaa, isagoo noqday madaxwayne ay ku toowfiiqeen dadkii ugu badnaa.

Wuxuu xilka RW u doortay Xasan Cali Khayrre oo uu ku tilmaamay ”nin isaga ka fiican”, wuxuuna isna noqday nin shaqa badan oo wax badan saxay, nidaam maamul oo macquul ahna soo kordhiyey, waloow uu sidoo kale khaladaad galay sida Madaxwaynaha isaga magacaabay oo wada sameeynayeen waxyaabo ay inta badan isku ogyihiin.

Qof wax maamulaya eed iyo amaanba lehe, waxay labada nin keeneen waxyaabo ugub ah oo marka dhanka wanaagsan lagu hormaro ay ka mid ahayd inay muddo aad u dheer wada shaqaynayeen, taasoo RW Khayrre ka dhigtay midkii ugu waqtiga dheeraa, taasoo keentay xasillooni siyaadeed oo soo jiidatey beesha caalamka, waloow aysan sidii la rabey wax u maarayn meelaha qaar marka la eego siyaasadda maxalliga ah ee Soomaalida oo u baahan faham qamarshiid ah iyo xeer jajab badan, maadaama aan nahay umad aan nidaamsanayn oo hab-raaca neceb, isla markaana ay xajiintu ku badan tahay.

Raggii sidaa ahaa, waxay wax kasta ku galgasheen markii ay belo balag u lushay oo ay lasoo bexeen astaamihii xil jacaylka baas ee Soomaalida salfan jirey.

MW Farmaajo waxaa gashay welina ku jirta inuu isagu yahay nin mucjiso ah oo dooran oo isagu xaq u leh inuu dalkan xukumo oo ay DF khasab ku tahay inay isaga u wada sacbiyaan.

RW hore ee Khayrre sidaa oo kale wuxuu isu akhriyey inuu yahay ninka khadka dhexe uga ciyaara dowladda oo ah wiil hoog iyo hanad hoggaankiisa lagu hodmay oo ay tahay inuu isagu noqdo musharraxa qura ee nidaamka hadda jira. Kaddib waxaa bilowday khilaaf suus ah oo muddo sanad ah qaacayey. Taasoo ka dhigan in nin kasta oo kitaabkiisa nacam nacam ku qortay taasoo khiyaali ah.

Ugu dambayn waxay ku dhamaatay in MW Farmaajo uu isku qanciyo inuu bedelo Khayrre oo isaga laftiisu raadinayey meel uu tareenka uga dego.

Maanta midkoodna ma laha caraftii shalay. Mid isaga oo mucaarad ah ayuu ku faraq xirtey koox qayb ahaan danleey ah oo jahawareersan oo sidii NGO u shaqaysata qaarkoodna aanay dalkaba u roonayn, balse ashaamudnimada hebel diidka ah markii laga yimaado aan wax qorshe ah oo dhexe lahayn, taasoo halisteeda leh.

Midkale, wuxuu ag taagan yahay raqda nidaamkiisii mar la jeclaa oo inta meel walba kasoo layruubay oo ka candharay ay ruuxdku kasii baxayso, kaasoo ay ka tala bixinayaan rag isaga siinaya aragtiyo gaaban oo howtal hamag ah sida hebel iyo heblaayo ayaa meel hebla ka jawaabey ama hebel u dhaartay, taasoo muujinaysa naf la caarinnimo.

Halkaa waxaa ku dhintay dhaxalkii Farmaajo & Khayrre oo gacantooda ku dhabjiyey wixii ay 4 sano ku dhowaad isla dhisayeen.

Caku siyaasi Soomaali ah iyo dhug yaridiisa & dheef jacaylkiisa.

Maalin kale waxaan qori doonaa talo aan siinayo labadooda haddii Alle idmo…

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media