”Waa in qalliin ama kiimiko lagu dhufaanaa ragga wax kufsada” – RW Pakistan oo ogolaaday sharci dalkaa laga hirgelin rabo

0

(Islamabad) 27 Nof 2020 – RW Pakistan ee Imran Khan ayaa sharci mabda’i ah ahaan u ansixiyey in qaab kiimikaysan loo dhufaano ragga lagu helo kufsiga.

Khan ayaa tan ku tilmaamay xeer-jajab maadaama uu awal doonayey in kufsadayaasha lagu daldalo fagaare dadwayne, balse waxaa arrintaa la joojiyey kaddib markii ay cadaadis saareen dalal reer Galbeed ihi.

Waxaa xeerkan mabda’iga ah ee RW ogolaaday oo weli ansixin u baahan sidoo kale ka mid ah in la kordhiyo doorka ay haweenku ka qaataan siyaasadda, in si dhaqse badan loo raad raaco kiisaska kufsiga ah loona xalliyo, in la ilaaliyo marqaatiyaasha iyo dhibanayaasha iyo in la sameeyo saldhig-xogeed lagu kaydiyo diiwaannada kufsadayaasha.

”Sida uu dilku derajooyin u kala leeyahay waa in sidoo kale loogu sameeyaa kufsiga; tusaale haddii uu wax kufsado waa in qalliin lagu dhufaanaa si uusan mar dambe waxan u samayn karin.” ayuu yiri Khan.

Hadalsame Media