Taageerayaasha Inter Milan oo Twitter ka wada mudaaharaad ka dhan ah Conte (Arrin ay kooxdaasi ku liidato)

0

(Milano) 27 Nof 2020 – Waloow ay Maamulka Inter Milan iyo Antonio Conte ay u muuqdaan kuwo sii wada socon doona ugu yaraan waqti xaadirkan, misna taageerayaasha caraysan ee kooxdaasi ayaa kubaaqaya in la eryo, iyadoo uu Twitter ka socdo hashtag la yiraahdo #ConteOut.

Kooxda Nerazzurri ayaa u muuqata mid ay mucjiso tahay inay kasoo baxdo guruubkeeda Champions League iyadoo sidoo kale aan xitaa rajo badan ka lahayn usoo bixitaanka EL oo ay raajicinayso Shakhtar Donetsk, kaddib markii ay 2-0 ku gacaacday Real Madrid, iyadoo 4 kulan 2 dhibcood ka keensatay.

Sidoo kale natiijo baaxaadeg ah ayay kala imanayaan Serie A, balse waloow ay fasalkii hore tageen dhamaadka Europa League isla markaana Scudetto ay Juventus uga qaadday 1 dhibic, misna waayaha Conte waxaa loo arkaa mid khasaare ah.

Hadda waxaa Italy ka soconaya #ConteOut tiiyoo uu Corriere della Sera qorayo in Conte oo sanadkii qaata mushahar qaali ah oo 12 milyan oo euro ihi aanu diyaar u ahayn inuu istiqaalo dhiibo, sidoo kale Inter ayaanay u sahlanayn inay cayriso waayo waa inay marleeyba mushaarkiisa bixisaa haddii ay iyagu cayriyaan sidoo kalena macallin cusub shaqaaleeyaan, waxaa u dheer inay weli bixiyaan lacagta macallinkii hore ee ay eryeen.

Inter Milan ayaan dhaqan ahaan lagu aqoonin dulqaad badan oo dhanka macallimiinta ah, waayo 43-kii sanadood ee ugu dambeeyey waxaa wax 2 fasal ka badan la dhamaystay 3 macallin oo qura, kuwaasoo ah: Eugenio Bersellini, Giovanni Trapattoni iyo Roberto Mancini.

Hadalsame Media