Somalia oo hadda saldhig u noqotay ‘Ayaxa Lamadegaanka’ ee Geeska Afrika (Gobollada Somalia ee ay kusoo fool leedahay koronkorada cusub)

0

(Muqdisho) 25 Nof 2020 – Sida ay sheegay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ugu qaybsan QM ee FAO, Gobollada Dhexe ee Somalia iyo Bariga Itoobiya ayaa haatan noqday halka uu ayuxu ku dhalo koronkorada, kuwaasoo dhib hor leh soo wada dabayaaqada bishan.

Samaysanka raxamaha cusub ayaa sii socon doonta ilaa bisha Diseembar, waxaana todobaadka 2-aad ee Diseembar la saadaalinayaa in moowjado cusub oo koronkoro hadda soo kacday ihi ay ku dhufato koonfurta Somalia, bariga Itoobiya iyo woqooyiga Kenya oo ay gaarayso midda Somalia, sida ay FAO sheegayso.

Ayaxan oo hal maalin cunaya cunto ku filan 34,000 oo qofood ayaa uga sii daraya xaaladda cunto xumo ee Geeska Afrika oo ay horraanba ku gaajoonayeen 25 milyan oo qofi.

Ayaxan oo gaar ahaan loo yaqaan ”Ayaxii Lamadegaanka”, ayaa ah cayayaanka guurguura midka ugu halis badan caalamka, wuxuuna liqi karaa dalag iyo cows ay quudan lahaayeen dadka iyo duunyadu.

Etienne Peterschmitt, oo ah Wakiilka FAO ee Somalia ayaa sheegay inay wadaan qiimayn cir iyo dhul ah oo ay gawaari iyo diyaarado ku samaynayaan, si qaab xeeladaysan meelo kala duwan oo Somalia ah looga sameeyo buufin qorshaysan.

Hadalsame Media