”Nolosha Soomaaliga, Ciraaqiga & Afghan-ku micne kuma fadhido!” – Qoraa Australian oo dalkiisa ku tilmaamay mid argagixisada taageera (Qoraal qalbi ka hadal ah)

0

(Toronto) 25 Nof 2020 – Australia ayaa ku ceebaysan fal wuxuushnimo ah oo ay ciidamadoodu ka sameeyeen dalka Afghnastan, halkaasoo ay ku laayeen dad rayid ah oo gacantooda soo galay ama ay weerar u gaysteen iyaga oo guryohooda ama beerohooda iska jooga, kuwaasoo uu qoraaga Australian-ka ah ee Andrew Metrovica uu ku tilmaamay mid Australia ka dhigaysa dal argagixisada taageera. Halkan ka daawo…

”Waa argagixiso guri samays ah oo lagu tababaray Australia. Waxaa maalgeliyey Australia. Waxaa Afghanistan u dirtay Australia. Waxay dileen dad rayid ah oo ay carruuri ku jirto, iyagoo sita magaca Australia,” ayuu yiri Andrew Metrovica oo maqaal ay AJ soo xigatey ka qoray arrintan.

Wuxuu sii raaciyey in cawaannimadan lagula kacay magaca Australia laga leeyahay hal ujeeddo oo ah fal ay gaysteen dad caddaan u badan oo Masiixi ah oo leh hal ujeeddo: In la argagixiyo dad aan caddaan iyo masiixi midna ahayn, isagoo sheegay in dadkaa aan xitaa loo dilin “ujeeddo istaraatiji ah”, balse loo diley dareen buka oo ah in qof silaciisa lagu baashaalo oo lagu raaxaysto.

Wuxuu qoray in dadka Afghan-ka ah ee ay dileen askarta Australia ay ku jiraan ilmo yar yar oo la bireeyey, ilmo yar yar oo beertoodii ku dhex gabanaya isagoo cabsi la gariiraya, beeraleey lasoo rigeeyey iyagoo silsiladaysan, walaalo iyo ilmo adeerro lagu dhex dhacay iyagoo neg ee kaddib qaar la laayey qaarna nafta la baxsadeen, kuwaasoo eeyo laga daba diray ay qaniinyo ku boobeen kahor intaan si af saar ah loo tooganin.

”Tuugadaa Australian-ka ihi waxay iyagoo darayskii ciidanka sita ay laayeen dadkan, maxaa yeelay waxay haysteen hubkii, awooddii iyo shatigii dilka,” ayuu yiri Andrew oo arrintan barbar dhigay sheekadii shaniica ahayd ee ay Maraykanku ka sameeyeen Abu Ghraib iyo jir-dilkii arxal la’aanta ahaa ee ay askarta Canadia ee burcadda ihi ka sameeyeen Somalia si ay “nidaamka usoo celiyeen”, sida ay sheegteen.

Wuxuu sheegay in ay 4 sanadood ku qaadatay DF Australia inay xitaa warbixin ka soo saarto 39 Afghani ah oo ay askartoodu laayeen sida ku cad, maxaa yeelay muhim uma aha Israel, Maraykanka, UK iyo Canada.

”Waa shati dil oo ku dhisan aragtida ah nolosha ”Masiixiga caddaan ihi waa muhim”, balse midda Ciraaqiga, Afghan-ka, Falastiinka iyo Soomaaligu waa rakhiis, aan loo jeedin oo la iska xoori karo.” ayuu qoray.

‘Dadku yaanay iska dhaadhicinin inaan gacan eedeed iskaga tuurayo dal iyo dad aanan aqoonin: Anigu waxaan ku dhashay Australia. Waxaa 11 sano oo noloshayda ah ku qaatay Australia. Marka dhalasho ahaan waxaan ahay Australian oo qayb iga mid ah ayaa halkaa jirta.” ayuu kusoo afjaray Andrew oo Canada hadda ku nool oo sheegay inuu laftiisu dareemayo inuu eedaysane yahay.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media