Qadar iyo Baxrayn oo ay ka tafatay kaddib markii ay Qadar qabsatay doonyo ay leeyihiin Ciidamada Badda dalkaasi

0
Commercial vessels sail in the Arabian Gulf off Bahrain during, on November 5, 2019. (Photo by KARIM SAHIB / AFP) (Photo by KARIM SAHIB/AFP via Getty Images)

(Dooxa) 25 Nof 2020 – Wasiirka Arr. Gudaha Bahrain ayaa Ilaalada Xeebaha dalka Qadar ku eedeeyey inay ku xadgudbeen heshiis goboleedka iyo midka caalamiga ah ee labada dhinac u yaalla kaddib markii ay dhexda ka qabteen laba doonyood oo ay leeyihiin Ilaalada Xeebaha Bahrain, sida ay qortay Reuters.

Yeelkeede, Wasaarad Gudeedka Qadar ayaa sheegtay in doonyahaasi laga qabtay bartamaha biyaha maxalliga ah ee Qadar isla markaana lasii daayey markii sharraxaad laga helay Dowladda Baxrayn.

Ha yeeshee, Bahrain ayaa haatan ku doodaysa inay dacwad u gudbinayso Golaha Iskaashiga Khaliijka oo aan la ogayn waxa uu ka qaban karo maadaama aanu awalba fiicnayn xiriirka labada dhinac oo ay Bahrain ku jirto dalalka go’doomiyey Qadar.

Bahrain, ayaa Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar kula jirta qorshaha lagu go’doomiyey Qadar 2017, iyagoo ku eedeeyey inay ”argagixisada taageerto”, taasoo ay si wayn u beenisey Qadar oo sheegtay in lagu xadgudbey madax bannaanideeda.

Hadalsame Media