KUBADDA DAHABIGA: Zlatan Ibrahimovic oo markii 12-aad noqday Laacibka ugu wanaagsan Sweden

0

(Stockholm) 24 Nof 2020 – Waa 39-jir, balse weli wuxuu wacdaro ka dhigayaa garoomada ciyaaraha, sidaa darteed, wuxuu markii 12-aad qaatay Kubadda Dahabiga ah ee Sweden.

Ninkaasi waa Zlatan Ibrahimovic oo mar kale qaatay billaddan oo soo taxnayd tan iyo 1946-kii, taasoo ay iska kaashadaan Aftonbladet iyo Xiriirka Kubadda Cagta Sweden.

”Baxaalligiisa naadirka ihi wuxuu keenay inuusan kaliya dheeraynin waayihiisa ciyaaraha, balse uu sidoo kale furayba bog cusub,” ayuu yiri Simon Bank oo wax ku qora Sportbladet kana mid ah xubnaha go’aamiya qofka qaadaya abaal marintan.

Zlatan ayaa abaalmarintan Guldbollen markii ugu horreeysey qaatay 2005. Waxaa ku xigsadey Fredrik Ljungberg, balse kaddib Ibra ayaa qaatay 10 sanadood oo xiriir ah, waxaana ugu dambeeysey 2016-kii oo ah sanadkii uu ka fariistay xulka Sweden.

”Aad baad u mahadsan tihiin, wax kasta waa macquul ilaa iyo inta aad doonayso.” ayuu yiri Ibra oo haatan la tacaalaya dhaawac muruqa ah oo kasoo gaarey ciyaartii ay Axaddii Milan 3-1 uga soo badisay Napoli oo uu 2 gool ku lahaa, waxaana lagu wadaa inuu maqnaado 3-4 todobaad.

Hadalsame Media