Shiinaha oo sheegay inuu dhagxaan ka doonayo dayaxa si loo ogaado qaab samayskeeda

0

(Hainan) 24 Nof 2020 – Shiinaha ayaa Talaadadii wuxuu cirka u ganay robot dhagxaan kasoo ururin doona bisha waana tillaabadii ugu horreeysey ee uu dal qaado tan iyo 1970-kii, taasoo muujinaysa hamiga cirka maraya ee dalkan.

Long March-5, oo ah gantaallada wax qaada midka ugu wayn Shiinaha, ayaa Beijing laga tuuray fiidkii in yar kahor, iyadoo laga ganay Wenchang Space Launch Center oo ku taalla jasiiradda koonfureed ee Hainan isagoo sida markab-cireedka Chang’e-5.

Chang’e-5, ayaa bisha kasoo qodi doona dhagxaan iyo walxo kale si ay culimada saynisku u fahmaan wax badan oo ku saabsan sida ay bishu u samaysan tahay iyo macaadinta ay ka dhisan tahay.

Haddii uu qorshahani guulaysto, wuxuu Shiinuhu noqonayaa dalkii 3-aad ee dayaxa dhagxaan kasoo qaada, sida ay horay u sheegteen Maraykanka iyo Soofiyeetkii hore.

Hadalsame Media