Xiriirka Sucuudiga & Imaaraadka oo halis ku jira + Waxa la isku hayo (Dokumenti sir ah)

0

(Hadalsame) 20 Nof 2020 – Xogo sir ah oo Imaaraati ah oo la helay ayaa muujinaya in Wasaarad Dibadeedka Imaaraadku ay aaminsan tahay in jaalnimada labadan dal oo aad iskugu dhowaa sanadihii dambe ay halis ku jirto oo ay labada dal kala cayrsanayaan dano is diiddan (conflict of interests).

Sida ay sheegayso warbixin ay Yemeni Studies Unit ka heleen dhanka Imaaraadka, xaaladda Yaman ayaa abuurtay jawi colaadeed oo sii xoogaysanaya oo u dhexeeya labada dal, iyadoo ay mustaqbalka dhow soo bixi karaan xaalado lama filaan ah oo cabsi leh, sida uu qorayo warqaadka Lubnaaniga ah ee Al-Akhbar.

Tan ugu darani waa in ay labada dal kala taageerayaan dhinacyo is diiddan sida dowladda dibed joogga ah oo uu Sucuudigu la hayo iyo koox gooni goosad ah oo ka jirta koonfurta Yaman oo ay Imaaraadku wax la wadaan.

Waxaa kale oo jira dhinacyo kale oo ay kala taageeraan, iyadoo marka laga reebo Xuutiyiinta oo ay Iiraan taageerto aysan qolooyinka ay labada dal kala taageeraan diyaar u ahayn inay xeeriyaan wax aan ahayn dalka taageera Riyaad iyo Abuu Dabeey midkii uu yahayba.

Waxaa arrintu sii calowdey markii ay Imaaraadku ku dhawaaqeen inay doonayaan inay iskaga baxaan Yaman, iyagoo sidoo kale isku khilaafay dalka Libya oo ay Xaftar isla taageerayeen halkaasoo ay Imaaraadka ku eedeeyeen kali duulnimo.

Warbixinta Yemeni Studies Unit ayaa sheegaysa inay labadan dal isla soo mareen 3 marxaladood; 1 – Mid ku dhisnayd qanaaco iyo abaal. 2 – Kaddib qaybsanaan, hubaal la’aan iyo jahawareer iyo 3 – Shaki, shallaay, dib u gurasho iyo dib u eegis.

Hadalsame Media