Laacib ka tirsan Lazio oo kashifay sirta ka dambaysa dayuurad kooxdaa loo keenay oo la ganaaxayo

0

(Roma) 16 Nof 2020 – Laacibka khadka dhexe ee Lazio ee Luis Alberto ayaa halis ugu jira in la ganaaxo iyadoo laga cuni karo safka kooxdiisa kulanka soo aaddan, kaddib markii uu si la yaab leh uga faalleeyey diyaarad la sheegay in loo keenay kooxdiisa.

Laacibka Kooxda Gorgorrada ayaa dayuuradda khaaska ah ee cusub uga hadlay koontooyinkiisa Instagram iyo Twitch, isagoo ku dooday in ay iyaga laacibiinta ihi kharashka bixin doonaan.

Laacibka ayaa sidoo kale ka hadlay mushahar ka maqan ciyaartooyda oo aan la siinin fasalkii tegey, markii ay kooxo badani jareen mushaharooyinka laacibiinta handaraabkii Talyaaniga dartii.

Il Messaggero ayaa qoraya in badrooniga Claudio Lotito iyo Maareeyaha Isboortiga, Igli Tare, ay aad uga xumaadeen hadalka laacibka reer Spanish oo ay isla qaateen inay ciqaabaan.

Yeelkeede, weli la islama qaadan sida loo ciqaabi lahaa oo ay mid noqonayso ganaax lacageed iyo in laga reebo kulanka soo aaddan ee Crotone.

Hadalsame Media