Dadka dhaadheer & kuwa gaagaaban yaa halis badan ugu jira cudurka Covid-19? (Daraasad)

0

(Singapore) 16 Nof 2020 – Dadka gaagaaban ayaa la sheegay inay halis wayn ugu jiraan cudurka coronavirus marka la eego sida ay dhibco-yarayaasha kasoo dhacaya afka qofku ay dhulka ugu dhacayaan.

Cilmi baarayaal reer Singapore ah ayaa cabbiray sida uu hawada ugu faafo cudurka Covid-19 marka uu kasoo boxo afka qof buka oo 2 mitir u jira dadka kale.

Waxay ogaadeen in marka uu qofku qufoco ama hindhiso, ay saxarrada fayrusku ay muddo gaaban hawada ku jiraan kahor inta aanay si tartiib tariib ah dhulka ugu soo dhicin.

MAXAY KU TALIYEEN? Waxay soo jeediyeen in dhallinyarada iyo haweenka uu dhererkoodu ka yar yahay 5ft 5 ay tahay inay 2 mitir u jirsadaan dadka kale. Waxaana dadka halista ku jira sidoo kale ka mid ah carruurta yar yar, balse iyaga inta badan fayruskani waxba uma dhimo.

Masaafadani waa midda ay tusaale ahaan raacdo Dowladda UK, sababtuna waxay tahay dhererka celceliska ah ee haweenka UK waa 5ft 3 halka ay raggu yihiin 5ft 9.

Yeelkeede, daraasaddani waxay adeegsatey moodallo lagu macmalay kombiyuutar, balse laguma eegi senaariyo nololeed oo caadi ah ama dhab ah.

Hadalsame Media