Waxaa lasoo jeediyey TALO looga raysan karo in sanad kasta xilliga doorashada uu dalku qalalaase ku sigto

0

(Hadalsame) 16 Nof 2020 – Soomaaliya ma hurayso, ugu yaraan si KMG ah, in dastuurka qabyada ah wax laga beddalo si madaxweynaha xilka haya looga mamnuuco one-term ka badan in uu kursiga ku fadhiyo, waayo dib u dhac iyo khatar ammaan ayay dalka ku tahay in afartii sanaba nin dartiis dalku khatar u galo wixii intaas oo dhan la soo dhisayayna haddana kow laga soo bilaabo.

Maadaama aysan madaxda Soomaalidu u muuqanin kuwo xil garad u ah sida laga doonayo ama xitaa wax ka dheefay casharradii hore ee dalkaba gaarsiiyey inuu burburo.

Dhaqanka sirgaxan ee madaxweyne kasta ku rabo in uu kursiga ku maroorsado wax walba oo dhacana ay kala waynaato sidii uu kursiga ugu sii fadhin lahaa waxay soo jeedin ama “WAKE UP CALL” u tahay qof walba oo waxgarad ah waxna oddorosi kara.

Sidaas darteed waxaa aniga i la qumman in dastuurka qabyada ah wax laga beddalo oo dhammaystirkiisa lagu daro in xillimadaxeed madaxweynaha hal xillimadaxeed lagu xaddido si looga baaqsado khilaafaad bulsho oo halis ah, xukun kalitalis ah oo dib u soo noqda iyo burburka hantida ummadda ee kursiga lagu badbaadinayo.

Haddii taas la samaynay waxaan ku talin lahaa in sannadaha la kordhiyo oo laga dhigo 5 ama 6 sannadood. Ama ugu yaraan meesha laga saaro inuu qofku xilka qabto laba-muddo xileed oo isku xiga oo jara ka booddo laga dhigo, 4 hadda ah iyo 4 imanaysa 4 kale kaddib ugu soo horreeyn.

Dalal badan oo xukunn kalitalis ah soo maray ayaa hannaankaan qaatay ayaga oo ka hortagaya xukun kalitalis oo dib u qabsada iyo awoodda oo hal qof si xun u adeegsado. Waxaa ka mid ah dalalkaas Mexico, Philippines, South Korea iyo kuwa kale.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan

Hadalsame Media