Xulka Somalia oo markii ugu horreeysey burburkii kaddib shirkad rasmi ah oo siinaysa agabka isboortiga heshiis la galay + Sawirro

0

(Muqdisho) 15 Nof 2020 – Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta (SFF) ayaa hishiis dhanka agabka ciyaaraha ah la galay shirkada qalabka Sports-ka soo saarta ee A2Z.

Shirkadda A2Z oo ah mid maxalli ah ayaa Xulka Somalia qalabayn doonta muddo 2 sanadood ah sida ku cad qandaraaska maanta lagu saxiixay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho.

A2Z ayaa sida lagu wado Xulka Ocean Stars siinaysa agabyada funaanadaha, matantayaasha, isku joogyada tuutaha iyo agabyada kale ee lagu tababarto oo ay ku jiraan funaanadaha tababarka.

Waa markii ugu horreeysey ee kaddib burburka uu Xulka Somalia yeesho sponsor farsamo oo rasmi ah, iyadoo ay dad badani soo dhoweeyeen in la dhiirri geliyo wax soo saarka maxalliga ah, waloow ay dad kale qabaan inay fiicnaan lahayd in la helo shirkado caalami ah oo iyagu soo saara agabka ay ku qalabaynayaan Xulka Somalia.

Xiriirka SFF oo noqday mid hal gacan ku jira oo aan sidaa darteed lahayn hal abuurro iyo aragti cusub, isla markaana uu wax kasta hal gacan ku hayo Guddoonka Xiriirka ayaan samaynin isbedello iyo horumarinno cusub oo sare u qaadi kara ciyaaraha kubadda cagta ee dalka, iyadoo aysan Somalia ka bixin kaalimaha ugu hooseeya caalamka.

Hadalsame Media