”Fursad baan u jeednaa” – Kenya oo Safaraad rasmi ah ka dhisatay Muqdisho & qorsheheeda cusub

0

(Muqdisho) 11 Nof 2020 – Kenya ayaa Safaarad rasmi ah ka dhisatay magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay inay markan usoo jeesatey inay xiriir wanaagsan la yeelato Somalia gaar ahaan dhanka ganacsiga, iyadoo leh: ”Somalia fursad baan ka aragnaa.”

Dhismahan cusub ayaa ka dhigan in Nairobi aysan hadda kaddib u baahnayn guri kiro ah, iyadoo dhismaha oo inta badan la dhamaystiray 2019-kii ay haatan ku socoto qalabayn buuxda.

Waxay kaloo ka dhignaan kartaa astaan muujinaysa in Kenya ay bedeleeyso koorsadii ay ku xawaaraynaysey siyaasadeeda Somalia oo aad u khaldanayd sanadihii dambe.

Dhismaha Safaraadda ayaa kusoo beegmaya xilli uu Sabtigii hore uu Xamar tegey wefdi ka socdey WAD Kenya oo uu hoggaaminayo Xoghayaha Joogtada ah, Macharia Kamau, isagoo la kulmay dhiggiisa Mohamed Ali-Nur Haji oo ka tirsan WAD Somalia, wuxuuna sheegay in waloow aysan labada dal isku fiicnayn 10-kii sano ee tegey ay misna kala faa’iidaysan karaan haddii ay furtaan dhabbe ganacsi oo toos ah.

Kenya ayaa 2009-kii bilowday inay sheegato dhul-badeedka Somalia, taasoo madaxa isu gelisey labada dal oo awalba isku hayey dhul ay Kenya sharci darro ku haysato waloow aftidii laga qaaday ay u dhacday inay Somalia ka tirsan yihiin, yeelkeede, Kamau ayaa sheegay in labada arrimood lakala qaado.

“In aan ka dhigno inay tahay inaan caqabaddan marka hore xallinno kahor inta aynaan iskaashi yeelanin waa mid aan ka tarjumaynin asaasyada horumarinta,” ayuu ku dooday PS Kamau oo sidoo kale sheegay in la samaynayo duullimaadyo toos ah iyo fiisaha oo imaansho lagu siinayo Soomaalida Somalia mar uu la hadlay Nation.

Hadalsame Media