”Sax ma aha in ay ciidamo ka mid noqdaan guddiyo doorasho” – Khayrre oo diidey qaabka loosoo xulay guddiyada DF & kuwa Somaliland

0

(Muqdisho) 10 Nof 2020 – RW hore, Xasan Cali Khayrre ayaa codkiisa ku biiriyey musharrixiinta diiddan qaabka loosoo xulay Guddiga Doorashooyinka iyo sidoo kale midka Somaliland.

Khayrre oo war rasmi ah soo saaray ayaa yiri: ”Sidii aan uga sheegay shirarkii Golaha Wasiirrada ee 10kii May iyo 9kii July 2020ka, inta xilka aanan iska casilin ka hor, waxaa lagama maarmaan ah inay dalka ka dhacdo doorasho xor ah, xasilloon, wadar-oggal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta.

”Haddaba, waxa aan maanta oo taariikhdu tahay 10ka November 2020 caddaynayaa inaan ka mid ahay musharrixiintii saxiixday war-murtiyeedka ku taariikhaysan 10/11/2020 ee cinwaankiisu yahay “Mawqifka iyo Go’aanka Musharrixiinta Madaxweynenimada Soomaaliya ee ka qaybgalka doorashada 2020/21” taas oo aan walaac uga muujinnay qaabka Dowladda Federaalku u maamulayso doorashada iyo guddiyada loo qorsheeyey in ay doorashada maamulaan.

Khayrre ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay in aan loo baahnayn inay ciidamo ama maamul ciidan ay ku lug yeeshaan arrimaha doorashooyinka, isagoo warkan ula jeeda hay’adda Nabad Sugidda Qaranka.

”Aniga oo aaminsan in ciidamada amnigu ay hayaan shaqo qaran oo aad muhiim u ah ayna naga mudan yihiin sharaf iyo karaamo, hadana sax ma aha inay ka mid noqdaan guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka. Sidoo kale, waxaan aaminsanahay guddiga maamulaya kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland in loo maareeyo qaab wadar-oggol ah, qaddarin leh, waafaqsanna heshiiskii DFS iyo Maamul Goboleedyadu ku gaareen Muqdisho 26kii September 2020.” Ayuu kusoo af jaray warkiisa.

Hadalsame Media