”Waa maalin wayn oo caalami ah” – Tijaabo laga qaaday tallaalka Covid-19 oo 90% lagu guulaystey (Dalka lagu bilaabayo)

0

(Hadalsame) 09 Nof 2020 – Mid ka mid ah hay’aadka horumarinaya tallaalka coronavirus ayaa sheegay in tijaabadii ay qaadeen ay 90% muujinayso in tallaalkoodu uu wax ku ool yahay taasoo xal wayn u ah caalamka oo maanta dhulka u yaalla dawo loo helo duraygan.

Shirkadaha Pfizer iyo BioNTech ayaa iminka sheegay in natiijada hordhaca ihi ay muujinayso in 9 ka mid ah 10-kii ay tallaaleen ay ka nabad galeen cudurka coronavirus.

Waxay intaa raaciyeen in 94 qof oo tallaalkan la siiyey ay 86 ka mid ihi ahaayeen waxa loo yaqaanno placebo group, kuwaasoo ah qaar loo sheegay in la tallaalayo balse aan runtii wax dawo ah la siinin ha yeeshee lagu duray oo qura dawo asal ma dooriso ah oo aan dhib iyo dheef midna lahayn.

Pfizer iyo BioNTech ayaa filaya inay sida ugu dhaqsaha badan ay tallaalka uga bilaabaan Maraykanka, balse weli waa inay dhamaystiraan hab-raacyada badbaadada si daawadu aysan dhib u keenin. Waxaa sidoo kale dalbaday dalal uu ka mid yahay UK.

Hadalsame Media