Wax kasta oo aad uga baahan tahay doorashada Maraykanka & saadaasha hordhaca ah

0

(Washington, DC) 03 Nof 2020 – Balaayiin doollar ayaa lagu khasiray doorashada madaxtinnimada Maraykanka oo ay labadii kasoo hartay daraasiin musharrixiin ihi ay caawa kala baxayaan; waana MW xilka haya ee Donald Trump iyo Jose Biden.

Malaayiin qof ayaa usoo baxay doorasho rikoodh jebis ah oo ay codkooda durba dhiibteen in ka badan 100 milyan oo qofood oo ka qayb qaatay doorasho horaadyada.

Donald Trump, 74-jir, ayaa doonaya inuusan noqonin madaxwaynihii ugu horreeyey ee isaga oo xilka haya laga guulaysto tan iyo George HW Bush oo ay isku xisbi yihiin 1992-kii.

Qiimaynta hore ayaa muujinaysa in ninka Dimoqraadiga ka sharraxan ee Joe Biden, 77-jir, uu hoggaanka hayo, balse waxaa lagu kala baxayaa gobollada loo yaqaanno kuwa wiifoowga ee marba meel aada.

Dadka tirada badan ee isu soo baxay oo ah kuwii ugu badan muddo nus qarni ah ayaa la sheegay in ay qaybi ka dhiidhinayso dadka faraha badan ee u dhintay cudurka Covid-19 waana kuwa lid Trump-ka ah, halka kuwa isaga taageersani ay iyaguna isusoo bexeen si uu u guulaysto.

Kaaga darane, doorashadan ayaa kusoo beegmaysa todobaadkii ugu xumaa ee cudurka coronavirus mowjaddiisa rogaal celiska ah, kaasoo ay iminka maalintii u dhintaan in ka badan 1,000 qofood maalin kasta dalka Maraykanka.

Goobaha codaynta ayaa xirmaya 23:00GMT (18:00EST) dhanka bariga Maraykanka, waloow ay furnaanayaan ilaa 06:00GMT gobolka fog ee Alaska oo juqraafi ahaan ah gobolka 2-aad ee aan ku dhegganayn Maraykanka intiisa kale, kan kale waa Hawaii oo ah jasiirad.

Meelo badan oo Maraykanka ka tirsan ayaa boosto lagu codaynayaa taasoo ka dhigan in aan codadka la wada tirin kari doonin Talaadada, taasoo uu durba dood ka keenay M Trump, waxaana jidadka la dhigay ciidamo gaar ah si looga hor tago rabshado doorashada la xiriira oo dhaca.

CNN ayaa saadinaya in marka la eego dhanka Electoral College-ka oo uu musharrixiiba u baahan yahay 270 si uu u guulaysto uu Biden durba haysto 203, halka uu Trump marayo 125.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media