”Raggu howshii ayay nagu daayeen!” – Dood laga yeeshay cudurrada dhimirka oo kusoo badanaya Soomaalida (Dhegeyso)

0

(Gothenburg) 03 Nof 2020 – Macallin Cumar Cabdi, oo magaalada Göteborg ka abaabula aqoon is waydaarsiyo ku saabsan xiriirka waalidka iyo carruurta ayaa midkii ugu dambeeyey waxaa lagusoo qaatay cudurka dhimirka ee waalidiinta iyo carruurta. Wuxuu ka hadlayaa baahida keentay inay qabtaan aqoon is waydaarsigan.

Cumar oo sheegay inay casharrada bixinayeen 2 dhakhtar oo Soomaali ah oo ku takhasusay cudurrada dhimirka ee Psychiatry ayaa sharraxaya sida ay  waalidiinta ugu qanciyeen inay aqoon is waydaarsigan kasoo qayb galaan maadaama aysan Soomaalidu cudurkan uga hadlin si furan? Waxaa isla su’aashan ka jawaabaya Aadan Max’ed Ibraahim oo ka mid ah waalidiintii ka qayb galay.

Cudurka dhimirka ayaa kusoo kordhayey nolosha Soomaalida qurbaha sida ku caddayd daraasad beri dhowayd laga sameeyey dalka UK, iyadoo uu Johan Wedel oo ka tirsan Göteborgs Universitet uu daraasad ka qoray Soomaalida Sweden oo uu sheegay inay sida qaxootiga kaleba qabaan baahiyo gaar ah oo la imanaya dalka cusub ee ay yimaadeen kuwaasoo u baahan in il gaar ah loo yeesho.

Haddaba Aadan oo waalidiinta ka mid ah ayaa sheegay in sharraxaad aqoon is waydaarsiga looga siiyey qaar ka mid ah culaysyada ku cusub nolosha Soomaalida qurbaha ee keeni kara dhibaatooyin dhanka dhimirka.

Hadalsame Media