”Waxaan idin caawinayaa marka uu dagaalku soo gaaro dhulkiinna!” – Ruushka oo runta u sheegay Armenia

0

(Moscow) 01 Nof 2020 – Ruushka ayaa shalay sheegay inuu Armenia siinayo wixii kaalmo ciidan ah oo “daruuri ah” jeer ay Azerbaijan isku hayaan gobolka Nagorno-Karabakh kaliya haddii uu dagaalku soo gaaro geyiga Armenia, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushanku.

Ruushka ayaa ka jawaabayey dalab ka yimid RW Armenia ee Nikol Pashinian oo MW Vladimir Putin ka codsaday inuu lasoo gaaro “kaalmo deg deg ah” jeer dhulal badan laga qabsaday dalkiisa oo olog istaraatiji ah la ah Ruushka oo ay wadaagaan mad’habta Orthodox-ka.

Yeelkeede, Ruushka oo horay u sheegay in iskaashiga amaan ee la saxiixay 1997-kii ee kala dhexeeya Yerevan aanu ku jirin gobolka ay haystaan ee Nagorno-Karabakh ayaa u muuqata mid aan moowqifkaa bedelaynin.

Azerbaijan iyo Armenia ayaa tan iyo 1990-kii isku haystey gobolka Karabakh kaddib markii ay dad gooni goosad ah oo Armenian ah oo taageero ciidan ka helaya Yerevan ay qabsadeen gobolkan buuraleeyda ah oo ay markaa ku dhinteen 30,000 oo qofood, iyadoo uu haatan dib uga curtay dagaal bilowday 27-kii bishii Sebt., kaasoo ay 1,200 uga dhinteen labada dhinac.

Hadalsame Media