Sheeko tusaale ah oo dhexmartay Imaamka masjid Muqdisho ku yaalla & wiil yar oo lagu qabtay isagoo kabo xadaya

0

(Muqdisho) 01 Nof 2020 – Tuug kabaha xadaya ayaa lagu qabtay masjidka Nasruddiin ee xaafadda Baar Ubax oo aan duhurkii ku tukaday.

Ciyaalka xaafadda oo raba in ay washamsi ku qaadaan ayaa imaamku ka qabtay, wuxuuna weydiiyay: ma tukatay? Maya ayuu ugu jawaabay. Wuxuuna ku yiri: cid ku taaban karto ma leh ee duhurka iska bixi. Intii uu salaadda ku jiray ayuuna imaamku carruurtii ka kala racdeeyay.

Markii uu salaadda ka baxay ayuu la fariistay. Wuu la dardaarmay, wuxuuna ugu duceeyay in Alle ku deeqo xoolo uu xatooyada uga maarmo. Isaga oo faraxsan ayuuna masjidka ka tegey

Inta badan carruurta ayaa lagu fasaxaa tuugada masaajidda lagu qabto, kadibna inta washamsi ka qaadaan oo si arxandarro ah u garaacaan ayay xaafadda dhagax uga saaraan isaga oo dhiigbaxaya.

Sidaas ayuuna naceyb ugu sii qaadaa bulshada iyo masjidka. Balse imaamkaan si lexajeclo ka muuqato ayuu ninkii ula hadlay, uguna duceeyay.

Waxaana rajeynayaa in ay noqoto markii ugu dambeysay ee uu ninkaasi xatooyo ku fikiro. Alle idankii.

Waxaa Qoray: Xuseen Sabriye

FG; Cafiska, dhimrinta, fahamka, damqashada, kaalmaynta iwm waa waxyaabaha inta badan ku yar dhaqanka Soomaalida, balse waa tayooyinka ugu wanaagsan ee ay dhiirri geliso diinta Islaamka.

Hadalsame Media