Riyaal cusub oo uu Sucuudigu daabacay oo ka caraysiisay dalka Hindiya & ashtako loo gudbiyey + Sababta

0

(Riyaad) 31 Okt 2020 – 20 Riyaal oo cusub oo uu Sucuudigu soo saaray si uu ugu maamuuso madaxtinnimadiisa G20 ayaa ka caraysiiyey dalka Hindiya kaddib markii ay ku muujiyeen Kashmiir oo ah dal madax bannaan oo aan ka tirsanayn Hindiya iyo Pakistan.

Lacagtan oo la daabacay todobaadkii tegey, ayaa waxaa ka muuqda Boqor Salmaan iyo astaanta G20 oo dhinac uga yaalla iyo khariidadda adduunka oo dhanka kale ah.

Maabkan oo Jammu iyo Kashmiir ka dhigaya dal gaar ah ayaa ka caraysiiyey Hindiya, waloow ay soo dhoweeyeen dadka Muslimiinta ah oo halkaa ku nool iyadoo ay baraha bulshada ka holcayso dood laba dhinacleey ah.

Ghulam Nabi Mir, oo ah madaxa World Kashmir Awareness, oo ah urur aan faa’iido doon ahayn ayaa sheegay in maabkan ay soo dhowaynayaan shacabka Jammu iyo Kashmir, iyo cid kasta oo dareen u haysa dadka Kashmiir.

Yeelkeede, DF Hindiya ayaan ku farxin iyadoo uu Afhayeenka Madaxtooyada Hindiya, Anurag Srivastava, uu ka sheegay New Delhi inay “arrintani kicinayso walaac wayn” oo ay ashtako gaarsiiyeen Safaaradda Sucuudiga ee Delhi iyo midooda ku taalla Riyaad.

Hadalsame Media