Ciidanka Azerbaijan oo guuldarro kale gaarsiiyey Armenia (Mid mid u arag hubka laga burburiyey)

0

(Baku) 31 Okt 2020 – Ciidanka Azerbaijan ayaa sheegay inay u babac dhigeen weerar ay habeenkii kusoo qaadeen Ciidanka Armenia, jeer uu bil sii dhaafayo dagaalka Nagorno-Karabakh oo bilowday 27-kii Sebtembar.

War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Azerbaijan ayaa sheegtay in isku dhacyadii ugu dambeeyey ay badiyaa ka dheceen meelo u dhow Aghdara, Khojavand iyo Qubadli.

HUBKA LA BURBURIYEY – Ciidanka Azerbaijani sheegay inay shalay dileen ciidan badan oo Armenian ah, inay soo rideen laba dayuuradood oo ah Su-25, 3 taangi oo ah T-72, gaari gaashaaman oo efentariga qaada, laba Smerch hal nooc oo ah kuwa tuura rokat wadareedka (MLRS oo ay Soomaalidu u taqaan PM) iyo nooc oo ah madaafiic goobta, howsarka is rida ee Gvozdika, lid-gantaal ridaha berri-biyoodka ah ee OSA iyo raadaarka guur guura ee P-18.

Ciidanka Armenia ayaa sidoo kale ilaa haatan laga qabsaday magaalooyin iyo tuulooyin boqol ka badan, iyadoo ay tani tahay jugo badan oo xiriir ah oo gaarayey ciidanka Armenia.

lid-gantaal ridaha berri-biyoodka ah ee OSA
MLRS oo ay Soomaalidu u taqaan PM

Smerch

Hadalsame Media