Wax kasta oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaato ninkii dadka ku diley kaniisadda Nice

0

(Nice) 30 Okt 2020 – Ninka 3da qofood ku diley kaniisadda Nice ee gobolka Côte D’Azur ayaa lagu sheegay  Brahim Aouissaoui, oo ah 21-jir Tunisia kasoo tahriibey.

Aouissaoui ayaa yimi jasiiradda Talyaaniga ee  Lampedusa dabayaaqadii bishii tagtay ee Sebtembar, markaasoo la karaantiilay iyadoo deeto lagu amray inuu dalka ka boxo.

Wuxuu yimid France horraantii bishan Oktoobar, sida ay ilo u dhow baarista socota ay u sheegtay AFP.

Faransiiska ayaa sheegay in Aouissaoui aanu wax aqoonsi ah sidanin markii ay booliisku tooganayeen oo ay dhaawacayeen.

Yeelkeede, wuxuu sitey warqad uu magaciisu ku qoran yahay oo ay siisay Laan Qayrta cas ee Talyaaniga, isagoo aan wax magangelyo ah marna waydiisan Faransiiska.

Dacwad oogayaasha jasiiradds Sicilia ee Talyaaniga ayaa u xaqiijiyey The Guardian in  Aouissaoui uu yimid Lampedusa 20-kii Sebtembar, isagoo 14 beri oo karaantiil ah kaddib loo bedeley magaalada Bari ee Gobolka Buglia 9kii Oktoobar.

Maadaama ay dad badani Tunisia kaga yimaadaan Talyaaniga waxaa lagu armaa inay dalka kaga baxaan 7 maalmood taasoo keentay inuu ninkani Faransiiska u dalaabo.

Hadalsame Media