Sucuudiga Carbeed oo joojinaya nidaamka loo yaqaan kafaalada qofka

0

(Riyaad) 30 Okt 2020 – Sucuudi Careebiya ayaa qorshaynaysa in ay joojiso nidaamka “Kafaalada” kaasi oo dhigaya in shaqaalaha ajinabiga ee dalkaasi ku sugan uu mas’uul noloshiisa ka yahay qofka uu u shaqeeyo ee Sucuudiyaanka ah. -Sida ay daabacday jariiradda dhaqaalaha ee Maaal.

Boqortooyadu waxay nidaamkan ku beeleysaa in qofka shaqaalaha ahi uu heshiish cad la galo loo-shaqeeyaha, isaga oo xor u ah macaamilkiisa kale. Arrintan ayaa qeyb ka ah isbeddellada Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan.

In ka badan 10 Milyan oo shaqaale ajinabi ah ayaa hadda ku hoos jira sharciga kafaalada ee Sucuudiga, kaasi oo dhigaya in maamulka lacagta, shaqo-beddeleshada iyo ka-bixista dalkaba ay go’aan gaadhistiisa leeyihiin loo-shaqeeyaha Sucuudiyaanka ah.

Soomaali badan ayaa kafaalo ku jooga dalkaasi, haseyeeshee bilowga 2021 ayaa la dhaqan-gelinayaa nidaamka cusub.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Saalax

Hadalsame Media