”Ma waxaad na mooddeen waddan qabiil?!” – Erdogan oo isaga oo ku dhega hadlaya Khaliijka weerar ku qaaday Maraykanka + Sawirro

0

(Malatya) 25 Okt 2020 – Turkey ma ah “dal qabiil” oo la iska riixriixi karo, ayuu yiri MW Recep Tayyip Erdogan oo ka jawaabtey hanjabaad cunaqabatayn ah oo uga timid Maraykanka oo diiddan inay isticmaalaan hannaanka Ruush sameega ah ee S-400.

Ankara ayaa sheegtay inaysan u joojinaynin gooddin kasta, sida uu hubaal ka dhigay MW Erdogan oo mar dhowayd ka hadlayey magaalada Malatya, isagoo xitaa Washington ugu baaqay bal inay soo rogaan cunaqabataynta ay sheegayaan.

”Ma taqaannaan cidda ay la macaamilaysaan. Cunaqabatayn kasta haysaan keena, ma sugi karnee. Waxaan bixinnay lacagta dayuuradaha F-35 oo naloo diidey, waxaad deeto noogu hanjabteen inaynaan S-400 Ruushka ka iibsan karin. Ma nihin dal qabiil leeyahay, Waxaan nahay Turkey.” ayuu yiri Erdogan oo ku dhega hadlaya dalalka Khaliijka iyo qaar kale oo ay qabiillo xukumaan oo aad u qaata amarka Maraykanka.

Warka Erdogan ayaa imanaya kaddib markii uu Pentagon uu si adag Jimcihii u cambaareeyey hubkan ay Turkigu tijaabiyeen oo ay sheegeen inay “saamayn halis ah ku yeelanayso xiriirka amaan ee kala dhexeeya Turkiga.”

”Walaaca Maraykanku nama khuseeyo. Haddii aynaan tijaabin karin hubka aannu haysanno maxaannu usoo iibsanney?” ayuu is waydiiyey Erdogan.

Hadalsame Media