”Sharciga looma sinna!” – Cafinta Ina Carte ee MW Somaliland oo muran ka dhex dhaliyey shacabka

0

(Hargaysa) 25 Okt 2020 – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa si rasmi ah u ”cafiyey” Ra’iisal Wasaare Xigeenkii hore ee DF Somalia, Maxamed Cumar Carte Qaalib, si uu u booqdo aabbihii Cumar Carte oo ku xanuunsanya Hargaysa.

“Markii uu arkay qoraalka talo bixinta ee Xeer ilaaliyaha Soomaaliland, qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo codsiga cafiska ah ee odayaasha dhaqanku ay soo gaasriiyeen 21-kii bishan in uu cafis u fidiyay siyaasiga Maxamed Cumar Carte Qaalib waxaan go’aansaday in aan saamaxaad u fidiyo kaddib markii uu la laabtay fikirkiisii hore,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay MW Biixi.

Fikirka hore ayaa loola jeedaa ka mid ahaanshiyaha DF Somalia, taasoo ka dhigan in aanu aqoonsanayn jiritaanka Somaliland, oo isu arkay nidaam ka go’ay Somalia, iyadoo la sheegayo in Carte uu haatanba gaarey Hargaysa.

Yeelkeede, arrintan ayaa muran ka oogtey baraha bulshada, iyadoo ay dad badan oo ay ka mid yihiin saxafiyiin reer woqooyi ihi ay ashtako ka keeneen wax ay ku sheegeen ”sharci aan loo sinnayn.”

Tusaale, qaar baa soo qaatay dad ay ku jiraan nin xildhibaan ah oo beri dhowayd Jabuuti ka sheegay in loo diidey inuu booqdo ehelkiisa oo xanuunsanaya, siyaasi isna geeriyoodey oo aad u aaminsanaa midnimada Somalia, Nimco Qorane iyo Coldoon ayaa iyagana lasoo hadal qaaday.

Dadka ayaa ku doodaya in ay jirto door bidid iyo nin tooxsi ee aanu jirin xeer ligan oo loo siman yahay oo ka degsan siyaasiyiinta reer woqooyiga ah ee ku jira nidaamka dhexe ee Somalia.

 

Hadalsame Media