Haweenay Soomaali ah & qoyskeeda oo amar lagu siiyey inay dhaqse uga baxaan dalka Norway + Sababta

0

(Oslo) 23 Okt 2020 – Wararka ka imanaya dalka Norway ayaa sheegaya in hooyo Soomaliyeed iyo 5 caruur ah oo ay dhashay amar lagu siiyey inay ka baxaan dalkaasi, sida ku cad war kasoo baxay Hay’ada UDI ee arrimaha dibedda.

Haweenaydan oo sanadkii 2004-kii iska dhiibtey dalkaasi Norway oo ay ku dhashay 5 carruur ah oo ay da’doodu u dhaxayso 2-9 sano jir ayaa lagu haystaa inay isku dhiibtey macluumaad been abuur ah.

Hooyadan oo ku dhaqan magaalada Skien ee Gobolka Telemerk ayaa loo sheegay inay kasoo jeeddo dalka Jabuuti oo aanay ka imanin Somalia, sida ay sheegatay.

Kaddib Booliska Norway ayaa si rasmi ah u dalbaday in 120 maalmood gudohood lagu soo qabto hooyadan oo bishii Juun lagu amray in iyada, ninkeeda iyo carruurteeduba ay deg deg dalka uga baxaan oo ay ku noqdaan Dalka Jabuuti.

Yeelkeede, waxay go’aankaa ka qaateen rafcaan iyagoo sheegay in ninka haweenaydan qaba uu ka tirsan yahay mucaaridka dalkaasi oo ay halis gelayaan, sida uu qoray Varden, balse UDI ayaa weli go’aankii hore ku dheggan iyadoo daliishanaysa inay xeer jebin tahay in been loo sheego hay’aadka dowladda.

Haweenayda ayaa la sheegay inay lafteedu qiratay inaysan ka imanin Somalia balse ay dani haysey isla markaana ay dalkaa kusoo gashay Baasaboorka Somalia oo ay ka gadatay nin mukhallas ahaa.

Hadalsame Media