”Marka aad soo shubtaan $335 milyan cunaqabataynta waa idinka qaadayaa!” – Maraykanka oo Suudaan si cad u baadaya

0

(Washington, DC) 20 Okt 2020 – Dowladda Maraykanka ayaa shalay si cad u sheegtay inay cunaqabataynta ka qaadayso dalka Suudaan oo ugu eedaysan inay ”argagixisada naas nuujiso”, isla marka ay Kharduum bixiso adduun dhan $335 milyan oo doollar oo magdhow ahaan loo siinayo qoysas dhibanayaal lagu sheegay.

MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa sheegay inuu sugayo inay Suudaan qaybteeda kasoo baxdo si looga qaado cunaqabataynta, waloow aanu sheegin sida ay xaq ku tahay inay lacagtaa bixiso iyo sida ay awood ahaan ku bixin karto maadaama uu dhaqaalaha dalkaasi liitey muddo 27 sanadood ah.

“Waa war fiican! Dowladda cusub ee Suudaan, oo horumar samaynaysa, waxay ogolaatay inay bixiso $335 MILYAN oo doollar oo ay qaadanayaan qoysaska ay argagixisadu wax gaarsiisey,” ayuu Trump soo tweet gareeyey.

“Marka ay bixiyaan, aniga ayaa Suudaan ka saaraya liiska Dalalka Argagixisada Naas Nuujiya. Waa inay cadaalad helaan dadka Maraykanku!” ayuu raaciyey.

Weerarrada Maraykanka ee dalal badan oo caalamka ayaa dhibaato u gaysta dad badan oo rayid ah, mana jirto malaayiin magdhow ah oo uu Maraykanku bixiyey, halka Suudaan oo kaliya ku eedaysan inay wax taageerto uu magdhow baad ah ka doonayo.

Waxaa horay sidoo kale loogu soo bandhigay inay xiriir la yeeshaan Israel taasoo u muuqata midda qura ee lacagta tooska ah looga dhaafi karo, yeelkeede, labada qaabba waa kuwo ka baxsan hab-raacyada soo jireenka ah ee loo fuliyo howlaha macaamilka diblomaasiyadeed.

Hadalsame Media