”Dhaqse uga baxa meesha!” – Wefdi ka socdey Imaaraadka oo laga soo eryey Masjidka Al-Aqsaa (Daawo)

0

(Quddus) 20 Okt 2020 – Falastiiniyiinta ayaa wefdi ka socdey Imaaraadka (UAE) kasoo eryey Masjidka Al-Aqsa ee Qudus, oo ah magaalada 3-aad ee barakaysan dhanka Muslimiinta, iyagoo ka caraysan xiriirka ay Israel la yeesheen oo ay Muslimiin badani u arkaan khiyaano.

Sida lagu soo bandhigay bog ay leeyihiin Warfaafinta Falastiin oo ay bogga Facebook ku baahiyeen Palestinian Wadi Hilweh Information Center waxaa la arkayaa wefdiga oo la diiddan yahay iyagoo ay gelbinayaan Booliiska Israel.

Nin ayaa wefdiga u sheegaya inay dhaqse meesha uga tagaan, waxaana muran muddo yar socdey kaddib la arkayaa wefdiga oo goobta iska cararaya.

Heshiiska ay Imaaraadka iyo Baxrayn la galeen Israel 15-kii Sebtembar ayuu RW Falastiin, Muhammad Shtayyeh, ku tilmaamay “abaal marin bilaash ah oo ay ku dhiirri gelinayaan inay Yuhuuddu qaataan oo degaamaystaan dhulalka haray ee reer Falastiin.”

“Albaabbada Masjidka Al-Aqsa waa in laga soo galaa albaabbada dadka iska leh, ee ma aha in looga soo fasax qaato dadka xoogga ku haysta,” ayuu yiri Shtayyeh oo shalay ka hadlayey kulankii Golaha Wasiirrada.

“Waa murugo inay wufuud Carbeed dhismaha kasoo galaan dhanka Israel, jeer dadkii ku cibaadaysan lahaa loo diiddan yahay inay masjidka ku dukadaan.” ayuu daba dhigay.

Maamulka PA ayaa sheegay inay kaliya raacayaan heshiiskii hore ee Carabta oo dhigayey in Israel toos loola heshiinayo loona aqoonsanayo kaliya marka ay ka baxaan dhulka ay ku qabsadeen Dagaalkii Lixda-Maalmood ee 1967-kii.

Hadalsame Media

Facebook Comments