Bisha oo la gaynayo shabakadda 4G & shirkad qandaraas ku qaadatay + lacagta

0

(Hadalsame) 20 Okt 2020 – Cir-bxiyeennada hawada sare ayaa dhaqso waxay awoodi kari doonaan inay farriimo usoo diraan dadka saaran dunida guudkeeda, kaddib markii ay sharikadda ka shaqaysata kaabayaasha isgaarsiinta ee NOKIA ay NASA la gashay qandaraas ku kacaya $14.1 milyan oo doollar oo anteenooyinka mobayllada uga hirgelinayso bisha.

Qorshaha Nokia ayaa ah inay dhisto shababadda warka lalisa ee ku shaqeeya shabakadda 4G/LTE, iyadoo marka dambe u wareegaysa midka kasii casrisan ee 5G.

Marka la hirgeliyo waxay noqon doontaa shabakaddii ugu horreeysey ee isgaarsiinta LTE/4G oo laga hirgeliyo hawada sare, sida ay sheegtay NASA.

“Hannaankan oo laga hirgelinayo oogada bishu wuxuu noqon doonaa mid gaari kara masaafo dheer, xawaare badan isla markaana aad loogu tiirsanaan karo marka la eego heerka maanta,” ayay tiri NASA.

Garabka daraasaadka ugu qaybsan NOKIA ee Bell Labs, ayaa Twitter ku faahfaahisay heshiiska oo aan weli la sheegin xilliga la hirgelin doono, waxaase loo badinayaa in la sameeyo kahor 2028 oo ay NASA doonayso inay saldhig ka samaysato bisha, sida uu sheegay madaxa NASA ee Jim Bridenstine.

Waloow lagu fikirayo in bisha 4G Network la dhigo dalalka qaar ee dunida ayaan weli la gudbin 3G sida Itoobiya iwm.

Hadalsame Media