”Bal u kuurgal in Turkiga afgembi kale laga fulin karo!” – Turkiga oo qabtay basaas u shaqaynayey Imaaraadka oo halkaa ku xididaystay + wixii uu qabanayey

0

(Ankara) 20 Okt 2020 – Nin reer Urdun ah ayaa lagu qabtay Turkiga isaga oo u basaasaya dalka Imaaraadka waloow uu isku qarinayey mihnad saxaafadeed oo uu weriye ahaan uga qornaa Turkiga.

Ninkan oo la yiraahdo Ahmed al-Astal, asal ahaanna kasoo jeeda dalka Falastiin, ayaa waxaa Jimcihii qabtay Sirdoonka Turkiga isagoo muddo sanado ah u xilsaarnaa inuu dabagalo mucaaradka Carbeed iyo guud ahaanba Carabta ku nool Turkiga.

Ninkan al-Astal ayaa sidoo kale diiradda “saari jirey xiriirka Turkiga iyo dunida Muslimka, hindisayaashiisa siyaasadda dibedda iyo gudaha, iyo in uu Turkigu u nugul yahay in afgembi kale laga sameeyo”, kaddib markii uu fashilmay midkii 2016-kii.

Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Turkiga oo aan magaciisa sheegin ayaa Washington Post u sheegay in Al-Astal, oo lagu wado in todobaadkan maxkamad lasoo taago uu qirtay inuu u shaqaynayey Imaaraadka, iyadoo ay Reuters intaa raacisay inay Turkigu hayaan “dokumentiyo caddayn ah.”

Ninkan ayaa la sheegay inuu Turkiga kusoo galay Baasaboor aan ahayn kuwa Midowga Yurub kaddibna uu si wanaagsan u dhex galay “mucaaradka Carabta iyo shabakaadka warbaahineed ee ay leeyihiin”.

Washington Post ayaa kashifay in al-Astal, oo Imaaraadka looga yaqaan Abu Layla, 10 sanadood kahor lagu khasbay inuu Imaaraadka u basaaso isagoo dalabka diidey 2008-dii, balse dib u aqbalay kaddib markii uu shaqo waayey.

Hadalsame Media