Xog hor leh oo xanuun badan oo kasoo baxaysa gabar lagu silac-dileeyey bartamaha Qaahira (Dowladda oo bedeshey cinwaankii dembiga)

0

(Qaahira) 16 Okt 2020 – Gabar 24-jir ahayd oo Masaari ayaa si naxariis darro ah loogu diley jidka xaafad ku taalla magaalada Qaahira iyadoo maalin cad lugaynaysa, balse waxaa is bedeley xogta qaabka loo diley oo markii hore lagu sheegay in gaari lagu cayrsadey oo deeto la dardarsiiyey, balse iminka waxaa la sheegayaa in lagu jiidey.

Mariam Saleh ayaa shaqo ka timid markii ay suusiyeen ilaa 3 nin oo erayo xambaarsan dareen jinsi ka buuxo ay ku yiraahdeen iyagoo ku jira gaari van ah.

Deeto markii ay u qaban waydey oo ay isku dayday inay ka socoto, waxaa la sheegayaa inay ka daba dhaqaaqeen, kaddibna uu midkood ku dhegey boorso ay wadatey kaddibna gaarigii la karraariyey, taasoo keentay in Maryama oo uu koontoroolkii ka lumay ay ka daba jiitanto gaarigii, iyadoo kaddib inta wiiftey daafad xoog leh kula dhacday gaari meel yaalley.

Shilkan oo ka dhacay Macaadi ayaa gabadha jirkeeda laga helay dhaawacyo daran iyo jajab, iyadoo ay naf xuni ku jirtana loola orday isbitaalka oo aysan nolol ku gaarin.

Waxaa kaamirooyinka amaanku qabteen wejiyada nimanka kuwaasoo loo gacan geliyey booliiska oo haatan haysta barwo lagu soo qabanayo eedaysanayaasha, sida lagu qoray warqaadka dowladdu maamusho ee Al-Ahram.

Yeelkeede, Dacwad Oogaha Guud ayaa haatan bedeley cinwaankii dembiga, isagoo sheegay in raggu doonayeen inay dafaan boorsada gabadha, balse aanay u socon dano jinsi ah, sida uu qoray Egyptian Streets.

Maryama ayaan se ahayn dhibbanihii ugu dambeeyey ee la kulma gabood fal jinsi ah iyadoo Dowladda Masar lagu eedeeyey inaysan wax ku filan ka qaban.

Xagaagii 2014-kii, 9 nin ayaa soo jiidey kaddibna kufsi wadareed u gaystey gabar dhallinyaro ah, hoteelka qaaliga ah ee Fairmont Nile City Hotel in 2014 iyagoo weliba muuqaal ka duubay si ay rakaateeyaan dhibanah.

Bishii Luulyo Ahmed Bassem Zaki ayay ugu yaraan 3 haween ah oo aysan qaan gaar ahayn ku eedeeyeen kufsi wax loo arkay soo ban bax naadir ah oo dacwo noocan ah marka la eego Masar, kaasoo keenay olole la mid ah sidii midkii ”Me Too.”

Hadalsame Media