Santos oo kansashay qandaraaskii rakhiista ahaa ee Robinho kaddib markii uu kufsi kusoo baxay

0

(São Paulo) 17 Okt 2020 – Ruug caddaaga Santos ee Robinho ayay kala weecdeen kooxdiisa kaddib markii lagu helay inuu gabar da’yar kufsaday 2013-kii, xilligaasoo uu u dheelayey kooxda AC Milan.

Robson de Souza, oo loo yaqaan Robinho, ayaa maalmo yar uun kahor qandaraas 5-bilood ah oo aad rakhiis u ah la galay kooxdiisa, isagoo bishii qaadan lahaa 250 euro oo qura, waxaana ka mushaar badan laacibiinta ka dheesha Horyaalka Somalia.

Laacibka ayay tahay inuu haatan iska difaaco eedda loo haysto oo ku saabsan gabar 22-jir ah oo Albanian ah oo uu kufsaday 2013-kii, waloow la sheegay in kiiskaa lagu dhameeyey xeer jajab ku kacaya 60,000 oo euro.

Waxaa la sheegayaa in uu hadda wajihi karo 9 sanadood oo xabsi ah, kaddib markii la helay codka isaga oo asxaab kula kaftamaya dembiga uu galay iyo xitaa jirka gabadha dhibbanaha ah.

Robinho ayaa lagu wadaa inuu loosoo dhiibo Talyaaniga si loogu qaado dembiga loo haysto, balse waa arrin waqti dheer qaadan karta.

Hadalsame Media